​Cosoble oo Dowladda ku eedeeyay inay ka dambeyso xilka qaadistiisa

Image

JOWHAR, Somalia - Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Somalia inay ka dambeysay Xilka-qaadistii lagu sameeyay Isniintii.

Isagoo Safaaxadda kula hadlayay magaalada Jowhar, ayuu sheegay Cosoble in Khilaaf isaga iyo dowladda ka dhex-taagnaa, uu sabab u yahay Xilka-qaadistii ay ku sameeyay Barlamanka Hirshabelle.

Cosoble ayaa daboolka ka qaadey inuu jiray Khilaaf u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle, oo salka ku hayay  xasaradaha ka taagan dalalka Khaliijka, kadib markii isaga uu taageeray xulufada Sacuudiga, taas oo uu u arkay inay ku jirto Danta Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa go'aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatey Khilaafka Khaliijka carabta, waxayna sheegtay inay door ka qaadan doonto wadahadal lagu dhameeyay muranka dalalkaasi kala qeybsamay.

Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa xilka laga qaadey maalintii Isniinta ee lasoo dhaafey, kadib markii laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho ah, oo ay taageereen 68 Xildhibaan oo katirsan Barlamanka Hirshabelle.

Xilka qaadistaasi ayaa wuxuu Cosoble ku tilmaamey inay ahayd mid la siyaasadeeyay, oo ay gadaal ka riixaysay dowladda dhexe, oo uu ku eedeeyay inay mas'uul ka tahay jahwareerka siyaasadeed ee xilligan ka dhex taagan Hay'adaha sare ee maamulka Hirshabelle.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Somalia weli kama hadlin khilaafka ka dhexjira Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle, iyo xil ka qaadista lagu sameeyay Cosoble.

Cosoble oo la doortey October 17, 2016, ayaa xilka hayay mudo 10 bilood ah, waxaana Barlamanka u cuskadey Xilka qaadistiisa qodobo dhowr ah, oo ay kamid ahaayeen ku takriifal awoodeed, xil-gudasho la'aan, iyo inuu la shaqeyn waayay Labada Golle ee Hirsahbelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM