Cosoble oo Muqdishu u tagay arrimo la xariira xilka qaadistii lagu sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dhawaan kalsoonida lagala noqday ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa galabta goor gaaban ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdshu.

Wararka soo gaaraya GO, ayaa sheegay in Cosoble uu caasumadda Somalia u tagay arrimo la xariira khilaafka ka taagan HirShabeelle iyo xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Garowe Online u sheegay in hogaaminayan la kulmi doono xubno katirsan dowladda Federaalka Somalia islamarkaana kala hadli doono xaaladda Cakiran ee maamulkaas wajahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha xilka laga xayuubiyay balse wali aaminsan inuu yahay hogaamiye xaq ah ayaa la kulmi doono wakiillada beesha Caalamka ee ku sugan Muqdishu gaar ahaan xerada Xalane isagoo u gudbin doona dacwad ka dhan ah dowladda Somalia.

Dhawaan Cosoble ayaa eedeeyay DFS kadib markii uu sheegay inay mas'uul ka ahaayeen xilka qaadista lagu sameeyay.

Lama oga waxa arrintaas ka dhihi doonto beesha Caalamka iyo sheegashadiisa ah inuu yahay Madaxweyne rasmi ah islamarkaan mooshinkii xilka looga qaaday uu ahaa mid sharci darro ah.

Sidoo kale magaalada Muqdishu, waaxaa ku sugan Gudoomiyaha Barlamanka maamulka HirShabeelle, kasoo dhawaan magaalada Jowhar ka sheegay in sifo sharci ah xilkii looga qaaday Madaxweyne Cosoble.

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonto khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagay mas'uuliyiinta maamulka ugu da'da yar dowladda goboleedyada ka jira dalka Somalia, kasoo dhibaato adag lagasoo maray yagleelistiisii.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM