​Cudur ka dilaacay Saldhigga Balli Doogle oo dilay labo Askari

Image

MUQDISHU, Somalia- War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in saldhigga Milatariga oo fariisin u ah ciidamada Kumaandoosta Somalia iyo kuwa Maraykanka ee ka gacanta ka siiya tababarka iyo la dagaallanka Al Shabaab uu ka dillaacay curka Daacuunka.

Cudurkaas oo saf-mar ugu dhacay ciidamada dowladda Somalia ee ku jira Saldhigaas ayaa lagusoo waramayaa inay u geeriyoodeen labo Askari.

Goobaha caafimaad ayaa sidoo kale la dhigay 50 kale kuwaasoo xaaladooda lagu tacaalayo gudaha Saldhiga Balli Doogle.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay saraakiisha Saldhigaas iyo taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

Lama oga waxa uu ka dhacay cudurkan oo inta badan geento Bag-teeriyo.

Cudurkan aya ka dillaacay qaybo badan oo kamid ah dalka Somalia, waxaana uu kusoo beegmay xilli dhawaan laga baxay abaar baahsan oo ka jirtay dalka.

Magaalada Burco aya ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurkan, waxaana lagusoo rogay xaalad deg deg ah.

Dhawaan waxaa Saldhigaas booqday RW dowladda Somalia, Xasan Cali Khayre oo dhiirigalin u sameeyay ciidamada saldhigaas ku jira.

Fariisinka Ciidan ayaa ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo maadama ay ku jiraan ciidamo Somalia iyo ajnabi isugu jira. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM