​Cumar Cabdirashiid “Kuma Qanacsanin Xukunka dilka ah ee India"

Image

GAROWE, Puntland- Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federalka Somalia, Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.

“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini’aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaalad, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin inay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto,“Ayuu yiri Mudane Cumar.

Sharmake, ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed, kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah.

“ Dowladda India wan kala hadli doonaa dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxaan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u helin fursad ay isku difacaan,”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli 50 dhalinyaro Somaliyeed lagu xukumay dil toogasho ah.

Waxaa sidoo kale jira, ku silicsan xabsiyada waddankaas iyadoo aysan horay uga hadlin xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM