​Cumar Cabdirashiid oo Garoonka diyaaradaha Kismayo kula kulmay Axmed Madoobe

Image

KISMAYO, Somalia- Ra'isal wasaraha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalada Kismayo gaar ahaan Madaaarka diyaaradaha isagoo dib uga soo laabta kadib markii uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin, ayaa Mudane CCC ku tagay magaalada Kismayo oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose u matali doona maamulkaas.

Kulanka labada mas'uul ayaa ku saabsana arrimaha doorashada iyo soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee ka socota magaalada Kismayo, waxaana hadal kooban oo warbaahinta siiyay Cumar Cabdirashiid uu sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka ay doorashadu u socoto.

Warar hoose oo warsidaha Garowe Online ka helay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxay sheegayaan in socdaalkaas la xiriiro ololaha uu Mudane Sharmake ugu jiro doorashada Somalia ka dhacaysa sannadkan iyo qaabkii uu xuuraansi hoose ugu samayn lahaa xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka ka mid noqonaya.

Horay, wuxuu safarro caynkan ah ugu tagay qaybo kamid ah dalka Somalia gaar ahaan Puntland, isagoo ka sameeyay olole doorasho uu ku codsanayo in Xildhibaanada kusoo baxa Aqalka hoose doortaan isaga.

Kulankaas kadib Cumar Cabdirashiid, ayaa kasoo noqday Garoonka diyaaradaha Kismayo isagoo la sheegayo inuu kusoo wajahanyahay dhinaca Puntland gaar ahaan Garowe.

Mudane Sharmake, ayaa la saadaalinayaa inuu yimaado caasumadda Puntland oo kusoo food leeyahay madaxweyne Gaas, halkaasoo uga sii gudbi doonaan magaalada Galkacyo oo lagu ballamay Jimcaha in laga sameeyo dhex-dhexaadin nabadeed oo ku saabsan khilaaf ka dhex yaalla maamullada Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM