Geelle: Villa Soomaaliya waxay riman tahay gacan ka hadal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u sacabo tumeysa gacan ka hadal ka dhasha doorashooyinka qaranka kusoo fool leh dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021, sidda uu sheegay murashax madaxweyne.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda haatan muddo xileedka dastuuriga ah ka dhacayo, ayaa xusay in murashaxiinta uu kamid yahay ay doonayaan in coddeynta soo aadan wada ogol loogu dareero.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu ku eedeeyay in uu rabo in uu xafiiska kusii joogo ama kusoo laabto "si aan ahayn sidda uu ku yimid".

"Madaxweynaha afar sano oo dadka uu ka sareeyo ayuu soo maray oo fasax dowladnimo oo baarlamaan uu siiyey hadda mid cusub waaye in isaga oo dadka la siman uu tartamo oo waxqabadkiisa iyo aragtidiisa uu ku tartamana gar ayuu u leeyahay; in hay'addihii dowladda uu uga faa'iideystana uu ku boobo gar uma lahan," ayuu ka sheegay su'aallo ka dhacdey Muqdisho.

Farmaajo ayuu cod dheer ugu baaqay in uu ogolaado doorasho daahfuran oo ku dhacda jawi xasiloon iyo hanaan ay isla ogol yihiin daneeyeyaasha.

"Dadka kale intii laga dhihi lahaa u adkeyska, dulmi wadaha in dalmiga day la yiraahdo baa ka dhow," ayuu ku daray isaga oo hogaanka dowladda waqtiga kasii dhacayo ku dhaliilay in ay doonayaan coddeyn musuqmaasuq.

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Sacuudi Carabiya ayaa ka digay ciwaaqib xumo ka dhalan karta hadii waddanka loo jiheeyo doorasho hal dhinac ah.

"Horta aniga Soomaalida aan la wadaago laba sano oo ciidamadda ah ayaan soo maray markii aan dugsiga sare ka baxay. Daruufo kala duwan ayaan isoo wajahay 25-kii sano ee waddanka aan joogay 11 Xabadood ayaa 3 qori ka riday Xabadii 12-aad weli ma ridin mana rabo in aan rido. Gacan ka hadalka Villa Soomaaliya ayaa riman ee ma wadaan dadka [murashaxiinta] ku shirsan Jazeera [Hotel]. Odayga [Farmaajo] haloo caqli celiyo. Wiilka gacan ka hadalka in uusan dhalan haloo sheego, Soomaaliya ayay dan ugu jirtaa," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalka.

Is-qabqabsi ka taagan xubnaha guddiyadda doorashooyinka magacaaban iyo ciidanka dowladda federaalka geysay gobolka Gedo ayaa burburiyey jadwalkii doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda dowladda iyo maamuladda.

Tani ayaa la macno ah in doorashooyinka ay dib uga dhici karaan waqtiga horey loogu balamay oo ah 8-da Febraayo oo madaxweynaha la dooranayo iyo December oo loo qorsheeyay in lasoo xulo Xildhibaanada heer federaal.

Hadii uu fashil kusoo idlaado safarka ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku marayo gobolada si uu xil ugu helo is-mari-waaga, waxay xoojineysaa hubanti la'aanta in waddanka si nabad ah uga baxayo mar-xaladda kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM