Daahir Maxamuud Geelle oo eedeeyay dowlada Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo Axada maanta ah shir jaraa'id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa eedeymo culus u jeediyey Dowladda Farmaajo.
Daahir oo soo noqdey wasiirka warfaafinta iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigay saddex qodob oo dowladda qorsheyneyso iyo saddex qodob oo waajib ay tahay in ay fuliso;
Saddexda ay qorsheyneyso
- In ay ka tagto Puntland iyo Jubaland
- In aysan qaban doorashooyin aan xalaal ahayn
- In aysan waqtigeeda ku dhicin doorashadda
Saddexda laga rabo
- Doorashooyin loodhan-yahay
- Doorashooyin xalaal ah
- In la isugu yimaado shir balaaran oo looga hadlo khilaafka doorashooyinka
Madaxda dowladda federaalka ee waqtiga kasii dhacayo ayuu ku eedeeyay "in ay iska-wayneysiinayaan" in ay miiska wadahadalka la fariistaan madaxda ka aragtida duwan.
Sidda laga soo xigtay Daahir, musharaxiinta madaxtinimadda Soomaaliya ayaa doonaya dalka ay ka dhacdo "doorashooyin aan daldalool lahayn".
"Ubadkeena uma dooneyno dowlad cududeedo tahay koonfurta Gaalkacyo iyo mudul Baraawe, waxaan u dooneynaa dowlad cudadeedu tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa laga rabaa in uu noqdo isku keena, lagama rabo in uu noqdo kala dire," ayuu ku daray musharaxa.
Mar la waydiiyey sababta ay u soo bandhigi waayeen xubnaha ay dhexdhexaadnimadooda dureen ee ah guddiyada lagu muransan ee doorashooyinka ayuu sheegay in "mas'uuliyad xumo" tahay in dowladda ay guddiyada ku darto saraakiil sirdoon iyo shaqaale rayid.
Sababta ay u soo bandhigi waayeen ayuu ku qeexay maadaama ay halis galeyso ammaankooda "mana ahan in xataa meel kale oo aan ahayn warbaahinta lagu soo bandhigo saraakiisha shaqada muhiimka ah u haya dalka".
Dhanka kale, ra'iisul Wasaare Rooble ayuu xusay in uu "qaranka siduu ku toosayo [kala hadlay], qaranka siduu ku xumaayana waan kala hadlay". Labada mas'uul ayaa shalay isku arkay Muqdisho. Is-aragooda wuxuu qeyb ka noqonayaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Rooble bilaabay.
Madaxweyne Farmaajo oo uu tibaaxay "in qaranka Soomaaliyeed uu isaga ka muhiimsan weyn yahay" ayuu cod dheer ugu booriyey "in uu xafiiska baneeyo "hadii uusan dalka isku wadi karin, dad isku wadi kara ayaa jira".
GAROWE ONLINE