​Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay eedaha uga yimaada siyaasiyiinta

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu caasumadda dalka ayaa ka hadlay arrimo ay kamid ahayd eedo uga imaanayay muddooyinkii dambe siyaasiyiinta u sharaxan hoogaanka waddanka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madasha wadatashiga Qaran ee ka socotay magaalada Muqdishu ujeedkeedu ahaa sidii dalka looga saari lahaa jahwareerka siyaasadeed islamarkaana la isula fahmi lahaa waxyaabaha socda ee doorashada khuseeya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladiisu dadaal u gashay sidii loo dhammayn lahaa khilaafaadka jiray.

Wuxuu sheegay in dalka ay kasoo saareen marxalad adag islamarkaana maanta uu marayo isbadal siyaasadeed isagoo tilmaamay in madashu diyaarisay qaabkii doorashada u dhici lahayd iyo meelaha ay ka qabsoomayso.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday eedo muddooyinkii dambe uga imaanayay siyaasiyiin uu sheegay inay raadinayaan talada dalka, wuxuuna sheegay in qorshahayaasha iyo hadallada ay wadaan aysan ahayn kuwo wax u dhimaya hormarka dalka islamarkaana ay ku gaari karaan ahdaaftooda siyaasadeed.

Dhaleecayntaas ayuu sidoo kale xusay inaysan waxba ka badali karin magaca iyo sumcadda dalka Somalia, isagoo ugu baaqay inay wax wanaagsan sheegaan ee ay iska daayaan aflagaadaynta iyo waxa uu ugu yeeray "Xag-xagasho dowladeed".

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxweyne Xasan Sheekh ka dhamaaday muddo xileedkiisii islaamrkaana muddooyinkii dambe murashaxiinta madaxtinimo usoo jeedinayeen inuu hogaanka dalka ku wareejiyo Afhayeenka Barlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM