Dab ka kacay Keydka Radio Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Barqanimaddii maanta oo Isniin ah waxaa dab uu qabsaday qayb kamid ah keydka hadalka ee idaacada ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho, sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Dadka qaybsaday qaybta keydka hadalka ee Radio Muqdisho oo ku dhextaalo dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in la baq-tiijiyo kahor inta uusan waxyeelo geysan.

Gaadiidka dab-demiska ee maamulka Gobolka Banaadir oo durbadiiba meesha soo gaarey ayaa damiyay, waxaaana aad u kooban khasaaro hantiyadeed ee uu sababay dadkaasi oo ka dhashay Koronto.

Xogta uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in khasaaraha uu ku kooban yahay Cajalado gubtay, kuwaasi oo isugu jiray keydka wararka, barnaamijiyadda iyo warbixinimo gaar ah.

Dabkaan qabsaday qaybta keydka hadalka ee idaacada dowladda ayaa kusoo aadeysa xili xalay oo Sabti aheyd uu dab ka kacay garoonka diyaaradaha Muqdisho, gaar ahaan Maqaaxi halkaasi ku dhextaalo.

Khasaaro maaliyadeed oo kooban ayaa lasoo wariyay xili dowladdu gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada oo war kasoo saartay ay xaqiijisay, inkasta oo aysan bixin fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan.

Radio Muqdisho, oo ah xarun warbaahintii ugu horeysay ee Koonfurta laga aas-aaso ayaa dhidibadda loo taagay 1943-dii, waxaana ay soo martay heerar kala duwan xili ay kasoo shaqeeyeen wariyaal qaarkood la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM