Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo sii fidaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Dab kacay Salaaddii Subax ayaa wali kasocda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo hadda kusii fidaya qaybo kamid ah xarumaha ganacsi oo ku yaalla halka loo yaqaano Khaliifa.

Lama yaqaano waxa kiciyay dabkaas, balse waxaa lagusoo waramayaa inuu gaystay khasaaro hantiyeed oo xoog leh.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, dabkan ayaa gabi ahaanba bur-buriyay hanti dad ganacsato ah kulahaayeen Bakaaraha.

Waxaa socda dadaallo lagu bakhtiinayo oogta Dabka oo guud ahaanba laga arkayo qaybo kamid ah magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Waxaa halkaas tagay baabuurta gurmadka deg dega ah ee  dab-damiska kuwaasoo tuubooyin waaweyn oo biyaysan u isticmaalaya colaha wali sii fidaya.

Shacabka laftigiisa ayaa wada dadaal  lagu bad-baadinayo hantida suuqaas ku jirta, waxayna qayb kayihiin gurmadka lagu daminayo dadbkaas.

Wuxuu kusoo beegmay xilli saaka waabarigii hore ganacsatadu doonayeen inay goobahooda dib u furaan.

Maaha markii ugu horaysay dab noocaan ah uu ka kaco magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxaana inta badan keena meherado  lagu kariyo cuntada oo ku dhex-yaalla suuqa, kuwaasoo inta badan sabab u ah khasaaraha iyo dabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM