Dab qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa maanta qabsaday Suuq ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Dabka oo ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo halkaasi ku yaallay.

Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inay demiyaan dabka, oo burbur dhaqaale gaarsiiyay ganacsato badan.

Lama oga illaa hadda sababta damba uu ku billowday, balse waxaa loo malaynayaa cilad koronto. Ma jirto khasaaro nafeed oo dabka sababay, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Suuqyada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe kusoo banadayay dabka noocan ah, oo geesta khasaarooyin hantiyadeed, waxaana ugu dambeeyay mid bartamihii sanadkan ka baabi'iyay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, hal canug ayaa ku dhintay dab qabsaday Kaam ay ku nool yihiin dad barakaciyaal ah oo ku yaalla Xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM