Dab xalay qabsadey qayb kamid ah suuqa degmada Afgooye

Image

April 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmey goobo ganacsi oo dhowr ahina way ku baa ba'een dab xalay qabsadey suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dabkan oo ka dhashay shoor dhanka korontada ah ayaa qabsadey qayb kamid ah suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo shidaalka.

Qofka dhaawacmey oo sida lagu soo warramayo xaaladiisu sahlan tahay ayaa waardiye ka ahaa mid kamid ah meheradaha gubtey.

Dadweynaha afgooye oo adeegsanaya biyo iyo ciid ayaa markii dambe ku guuleystey inay dabkaas xakameeyaan.

In badan oo kamid ah magaalooyinka Soomaaliya ayaan lahayd gaadiidka dab-demiska iyo kooxo u tababaran la-dagaalanka dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM