Daba-Geed oo xiray Taliyihii NISA ee Hiiraan iyo ku xigeenkiisa

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-Geed], ayaa xabsiga dhigay Taliyihii Nabad Sugida gobolkaasi ugu qaabilsanaa hay'adda NISA iyo ku xigeenkiisa.

Taliyaha la xiray oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Cali ayaa lagu xiray magaalada Beledweyne, kadib amar kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha cusub ee gobolka dhawaan loo soo magacaabay Yuusuf Daba-Geed.

Illaa hadda lama sheegin sababta ka dambeysa xariga Taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan, balse warar uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka cusub iyo NISA, kaasi oo la sheegin waxuu salka ku hayo.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Daba-Geed u magacaabey guddoomiyaha cusub ee gobolka bishii lasoo dhaafay, isagoo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolkaasi Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Yuusuf Daba-Geed waa markii labaada oo xilkan lo magacaabo tan iyo markii HirShabeella la aas-aasay sanadkii 2016 dhamaadkiisa, iyadoo isbedellada lagu sameynayo maamulka ay imaanayaa xilli Madaxweyne Waare wajahayo eedeymo la xiriira wax-qabad la'aan.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM