Dacwad laga gudbiyay Fahad Yaasin iyo Taliyaha NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Maxamed Xuseen, iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin waxaa dacwad ka gudbiyay Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Warqad uu ugudbiyey Cabdalla Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka Sidda oo ku taariikheysan 2-da bisha Agoosto 2018 ayaa loo jeediyay Cusmaan iyo Fahad Yaasin eedaymo culus.

Eedaymaha loogu jeediyay dacwad laga gudbiyay labadaan masuul ayaa marka lasoo koobay wuxuu biya dhacooda noqonayaa inay xiriir hoose la leeyihiin Al-Shabaab iyo inay faafiyeen arrimo sumcad dil ku ah Cabdalla.

“Intii udhaxaysay 2014, 2015, 2016 iyo 2017 waxay cilaaqaad buuxda ay la lahaayeen kooxda Al-Shabaab, labadda masuul, waxaana hayaan caddeymo,” ayuu ku yiri Cabadalla Cabdalla Maxamed, qoraalka maxkamad ugudbiyay.

Sida ku cad warqad, Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya waxay aqbashay dacwada loosoo jeediyay masuuliyiinta inkasta oo aanan la ogayn waqtiga ay bilaabaneyso dhageysiga.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya kadib markii Farmaajo uu darajada ciidan ka qaadey Cabdalla, kadib soojin ka timid Agaasimaha Hay’adda. [Halkan ka akhri War-Saxaafadeed].

HOOS KA AKHRI WARQADA DACWADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM