Dacwad laga gudbiyay Fahad Yaasin iyo Taliyaha NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Maxamed Xuseen, iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin waxaa dacwad ka gudbiyay Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Warqad uu ugudbiyey Cabdalla Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka Sidda oo ku taariikheysan 2-da bisha Agoosto 2018 ayaa loo jeediyay Cusmaan iyo Fahad Yaasin eedaymo culus.

Eedaymaha loogu jeediyay dacwad laga gudbiyay labadaan masuul ayaa marka lasoo koobay wuxuu biya dhacooda noqonayaa inay xiriir hoose la leeyihiin Al-Shabaab iyo inay faafiyeen arrimo sumcad dil ku ah Cabdalla.

“Intii udhaxaysay 2014, 2015, 2016 iyo 2017 waxay cilaaqaad buuxda ay la lahaayeen kooxda Al-Shabaab, labadda masuul, waxaana hayaan caddeymo,” ayuu ku yiri Cabadalla Cabdalla Maxamed, qoraalka maxkamad ugudbiyay.

Sida ku cad warqad, Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya waxay aqbashay dacwada loosoo jeediyay masuuliyiinta inkasta oo aanan la ogayn waqtiga ay bilaabaneyso dhageysiga.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya kadib markii Farmaajo uu darajada ciidan ka qaadey Cabdalla, kadib soojin ka timid Agaasimaha Hay’adda. [Halkan ka akhri War-Saxaafadeed].

HOOS KA AKHRI WARQADA DACWADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM