Dacwad laga gudbiyey Fahad Yaasiin iyo Cabdinuur Maxamed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska qareenadda iyo adeegyadda sharciga ee shirkadda Heegan ayaa dacwad ka gudbisay agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka, iyo ku xigeenka agaasimaha Villa Soomaaliya.

Sida ku xusan warqadda dacwadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online, Fahad Yaasiin Daahir iyo Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa loo haystaa weerarkii ciidanka Haramcad ku qaadeen warbaahinta Mustaqbal.

Weerarkaas oo dhacay 24-ka bishii hore ee April ayaa lagu jirdilay wariyeyaal, laguna qaatay agab ay lahayd warbaahintan fadhigeedu yahay degmadda Waaberi gaar ahaan wadada caanka ah ee Maka Al Mukarama.

"Ka sokow ciidamaddii geystay [tacadigaas], warbaahinta Mustaqbal waxay heshay caddeymo ku filan oo tilmaamaya in amarka fal-dambiyeedkaas ay lahaayeen labadaas mas'uul aan ka cabaney," ayay ku dareen.

Mustaqbal Media aya tibaaxdey in dacwadda ay la wadaagtay xafiiska xeer-ilaalinta isla markaana ay sidda ugu dhaqisyaha badan uga sugeyso jawaab taasoo aan la ogeyn mudada saxda ah ee ay qaadaneyso.

Xeer-ilaalinta ayay sidoo kale waxay ka dalbatay in ay baaritaan dhab ah ku sameyso cabashadda iyo dhacdadii ay ciidamadan Turkiga tababaray ku galeen xarunta Mustaqbal Media oo kamid ah idaacadaha maxaliga.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dacwaddan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka labadaas mas'uul ee la eedeeyay. Xiriiro uu GO isku dayay in uu la sameeyo xafiisyada labada mas'uul ma guuleysan.

Afartii sano ee lasoo dhaafay ee Farmaajo madaxwayne ka ahaa waddanka, warbaahinta Soomaaliya ayaa la kulantay tacadiyo kala duwan kuwaasoo isugu jiray xarig sharci daro ah, aamusin iyo laaluushid ba'an.

Hoos ka akhriso dacwadda

Image

Image

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM