Dad hal qoys kasoo jeeda oo lagu laayay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan, oo aan wali heebtooda la garan ayaa xalay fiidkii weerar argagax leh ka geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Rag ku hubeysan qoryaha AK-47 ayaa galay guri Jiingado ka sameysan, oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir, kadibna toogasho ku dilay 5 ruux oo hal qoys kasoo wada jeeday, oo uu ku jiro canug yar.

Falkan lagu weeraray qoyska waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 kale, kuwaasoo qaar kamida aad looga deyrinayaa xaaladooda, waxaana la ogeyn cid weerarkan fulisay iyo sababta ka dambeysa.

Qoyskan la leeyay ayaa waxay qaraabo ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ah Xildhiban katirsan Gollaha Shacabka.

Shanta qof ee la dilay waxaa ku jira Xildhibaanka nin adeer u ah iyo adeediisa, iyadoo inta kale ay ahaayeen dhalinyaro la fadhisay derin taallay gudaha gurigooda, oo ay ku sheekeysanayeen.

Axmed Cali oo kamid ah ehelka dadka la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in toogashada ay dhacday xilli la isku diyaarinayay Salaadii Maqrib, isagoo sheegay in dhacdadan xanuunka badan uusan ogeyn cida sameysay, balse ay qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirta.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan ciidamada dowladda soo gaarin, waxaana jirin illaa hadda cid loo soo qabtey toogashada shacabka lagu xasuuqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM