Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Kismayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay gudaha magaalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland, waxaana lagu eedeeyay kooxda Al Shabaab.

Naftiisa Halige isku soo xiray jaakadaha qarxa oo doonayay inuu gudaha u galo xero lagu tababaro Ciidamada  amniga maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Congo ayaa weerarkaas gaystay.

Goob jooge ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah ciidamada amniga uu is hortaagay ninkaas, ka hor intuusan qarxin.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen saddex Qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka midka kalena uu ahaa Ismiidaamiyihii Qaraxa fuliyay.

Axmed Carab Qaraxan ayaa tilmaamay inuu ku dhaawacmay Askarigii ka hortagay weerarka, kaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli amniga magaalada Kismayo uu aad u wanaagsanaa muddooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM