​Dad ku dhintay Duqayn ay gaysteen ciidamada AMISOM [Dhagayso]

Image

JANAALE, Somalia- Ciidamada AMISOM ee ku sugan degaanka Buufow ayaa Xalay Duqeymo xooggan u gaystey Tuulo ku dhaw degaankaa Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta  ayaa timid kadib markii Al Shabaab hoobiyaal ku garaaceen Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buufow, oo 8KM dhanka galbeed uga beegaan Magaalada  Marka.

Nuur Cusmaan Raage, oo ah gudoomiyaha deegaanka Shalanbood ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in 5 qof, oo kala ah 3 Caruur ah iyo 2 Dumar ah ay ku geeriyoodeen Madaafiicda ciidamada AMISOM.

"Madfac laga soo tuurey Xerada AMISOM ee Buufow ayaa wuxuu ku dhacay Guri Shacab ay deganyihiin oo ku yaallo Tuulada Franko, waxaana ku dhintay 5 Ruux oo Hal Qoys kasoo jeedo, oo 3 kamid ah yihiin Caruur,"  ayuu yiri Nuur.

Dadka dhintay waxay ahaayeen Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay, waxaana ka badbaaday Madfaca ku dhacay Gurigooda Aabaha Qoyskaasi.

Tuulada la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Faranko, waxayna ku taallaa duleedka Jannaale, oo ay maamulaan dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab.

AMISOM ayaa inta badan si aan kala sooc lahayn u duqeeya goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab, ee u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Jannaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM kama aysan hadlin Duqeynta ciidamadooda u geesteen Tuulada Faranko.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM