Dad ku dhintay Qarax culus oo ka dhacay magaalada Kismayo

Image

KIMSYAO, Somalia- Qarax xooggan ayaa goor-dhaw ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Jubbaland ayaa GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen weerarkaas, 20 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii Bam gacmeen lagu weeraray Saldhigga Ciidanka Booliska magaalada Kismaayo.

Qaraxa kadib, waxaa goobta soo gaarey Ciidamo katirsan maamulka Jubbaland iyo Gaadiidka gurmadka oo dadka dhaawacyada gaarey ula cararay Isbitaalka guud ee Kismaayo, si loo daweeyo.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga, islamarkaana Jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, iyadoo kooxdii tuurtey Bam-ka ay baxsadeen.

Fahfaahin, kala soco Wararkeena Dambe hadii Rabbi Raali ka noqdo..

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM