Dad ku dhintay qarax ka dhacay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan laba ayaa ku dhimatay, lix kale waa dhaawac kadib qarax barqanimadii Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada xadka Soomaaliya iyo Kenya dhacda ee Ceelwaaq kana tirsan gobolka Gedo.

Ibraahim Guuleed Aadan, gudoomiyaha degmadan 436 KM u jirta caasimadda Muqdisho, ayaa ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday miino nooca hormuudka lagu mamaulo lagu beegsaday maqaaxi lagu iibiyo cunto.

Mr Aadan oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa daaha ka rogay in dhaawacyadda afar kamid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

"Qaar maskaxdaa jajaban, qaar gacmahaa jajaban, qaar lugahaa jajaban, dhankaas Kenya ayaa loo qaadayaa si loogu soo daaweeyo," ayuu shaaciyey. "Waxay u muuqataa in qaraxu ahaa mid meesha habeenkii xalay lagu sii diyaariyey".

Mehrada la qarxiyey oo burbur xoogan uu soo gaarey ayaa la sheegay in xilliyadda qaar ay ka shaaxeyn jireen Ciidamadda Xoogga ee halkaas ka howlgala.

"Maqaayad iska yar oo kuwa cooshadaha ka sameysan ayay ahayd. Kaliya shaax iyo cunto ayaa lagu iibin jiray…Walaahi ma caddeyn karo sababta loo beegsaday, laakiin kuwii cadowga ahaa [Al-Shabaab] in ay fuliyeen bay ila tahay," ayuu Aadan ku daray hadalkiisa, isagoo aan soo hadal-qaadin hadii ay sii baarayaan.

Ceelwaaq ayaa kamid ah magaalooyinka ku yaala gobolada Soomaaliya oo ay ku badan yihiin qaraxyadda lagu weeraro maqaayadaha shaaxa laga cabo.

Bishii September, 2018, tirro aan wali la cayimin ayaa ku naf-weysay markii qarax lagu weeraray isla maqaaxi ku taala Ceelwaaq. Mas'uuliyiinta waxay dhacdadaas ku eedeeyeen xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo aan ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM