Dad ku dhintey qarax xalay ka dhacay Kismaayo

Image
Ma jirto koox wali sheegatay mas'uuliyada falkan balse waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen qarax miino oo caawa ka dhacay maqaayad ku taala magaalada Kismaayo.

Taliska Boolisku dowlad goboleedka ayaa wuxuu aaminsan yahay in miinada lagu rakibay gudaha mehrada oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali.

Baareyaal horudhac ah ayaa tagay meesha ay wax ka dhaceen. Balse wali sooma saarin tafaasiil. Goobjoogeyaal waxay sheegeen in ay xirixreen tirro dad ah.

"Jugta qaraxa way cusleyd. Maqaayadda waxaa iska lah sarkaal ka tirsan ciidamada Jubaland. Waxay ku taalaa xaafadda Qoryooley ee Kismaayo," ayuu yiri hal goobjooge.

Sarkaal magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka warfidiyeenada ayaa xaqiijiyey in ay baaritaanada ay kasoo baxeen "natiijo muhiim ah". Balse, ma bixin fahfaahin.

Ma jirto koox wali sheegatay mas'uuliyada falkan balse waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab. Maleyshiyadda waxay maalmihii dambe kordhisay weerarada.

Axdii ayay ahayd markii weerar is-miidaamin ay maleyshiyada ka fulisay caasimada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada ay ku nafwaayeen ku dhowaad shan qof oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM