Dad ku dhintey qarax xalay ka dhacay Kismaayo

Image
Ma jirto koox wali sheegatay mas'uuliyada falkan balse waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen qarax miino oo caawa ka dhacay maqaayad ku taala magaalada Kismaayo.

Taliska Boolisku dowlad goboleedka ayaa wuxuu aaminsan yahay in miinada lagu rakibay gudaha mehrada oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali.

Baareyaal horudhac ah ayaa tagay meesha ay wax ka dhaceen. Balse wali sooma saarin tafaasiil. Goobjoogeyaal waxay sheegeen in ay xirixreen tirro dad ah.

"Jugta qaraxa way cusleyd. Maqaayadda waxaa iska lah sarkaal ka tirsan ciidamada Jubaland. Waxay ku taalaa xaafadda Qoryooley ee Kismaayo," ayuu yiri hal goobjooge.

Sarkaal magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka warfidiyeenada ayaa xaqiijiyey in ay baaritaanada ay kasoo baxeen "natiijo muhiim ah". Balse, ma bixin fahfaahin.

Ma jirto koox wali sheegatay mas'uuliyada falkan balse waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab. Maleyshiyadda waxay maalmihii dambe kordhisay weerarada.

Axdii ayay ahayd markii weerar is-miidaamin ay maleyshiyada ka fulisay caasimada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada ay ku nafwaayeen ku dhowaad shan qof oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM