Dad lagu xiray dibadbaxyadii Muqdisho oo sharciga wajahaya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa caawa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono.

Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda caawa ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.

Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka

Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda

- DHAMMAAD -

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM