​Dad shacab ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya- Weerar  uu fuliyo ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa galabta goor gaaban ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana lagu dilay dad shacab ah, halka bur-bur xooggan uu soo gaaray goobo ganacsi.

Qaraxan oo ka dhacay maqaayad aan ka fogayn xarunta shirkadda Dahabshiir oo ku taalla nawaaxiga Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay 3 qof halka dhaawacu gaarayo 2 ruux sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta amniga maamulkaas.

“Qaraxan waxaa uu ka dhacay goob maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo kutaala bartamaha magaalada,waxaana ku shaahayay Dad shacab ah,waxaa ku dhimatay 3 qof 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen,” Ayuu yiri  wasiirka Amniga maaamulka koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed.

Warar kale oo madax bannaan oo Warsidaha Garowe Online ka helayo dad goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen 2 ruux oo uu ku jiro nin lagu magacabo Ibrahim Macruuf oo kamid ahaa shakhsiyaadka ka shaqeeya arrimaha Samafalka sidoo kalena aad looga yaqaanay gobolka.

Dadka ayaa intaas ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen ilaa 6 ruux oo kamid ahaa dadkii fadhiyay meherada iyo kuwo ka agdhawaa.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo kusoo beegamaya xilli amniga magaalada Baydhabo muddooyinkii dambe uu aad u wanaagsanaa.

Maaha markii ugu horaysay weerar noocaan ah uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Dahabshiil, balse September, 2015 Qaraxyo ka dhacay goobtaasi waxaa ku dhintay in kabadan 30 qof.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan, waxaana socda baaritaano lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaa hadda la aqoonsan cida fulisay weerarkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM