Dad shacab ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan lix ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya maanta oo Talaado ah.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dadkan ay saarnaayeen Gaari HOMY ah [Caasi], ay dabley hubeysan kala degeen Gaariga xilli ay marayeen degaanka Lafoole, kadibna ay toogasho ku dileen.

Dadka la dilay oo ka yimid dhanka Afgooye, ayaa waxa ay ahaayeen Odayaal dhaqameed, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, kuwaasoo saddex kamid ah ay ahaayeen walaalo hal qoys kasoo wada jeeda.

Falkan naxdinta leh ayaa la ogeyn sababta ka dambeysa iyo cida geysatay, iyadoo dadka degaanka Lafoole ay sheegeen in koox afka soo duubtey ay fuliyeen, kuwaasoo goobta ka baxsadey kahor inta aysan ciidamada dowladda soo gaarin.

Dilka dadkaan oo ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole, ayaa la sheegaya in uu salka ku hayo aano qaabil, balse ma jirto faahfaahin in taas ka badan oo saraakiisha amniga degaanka ay bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM