Dad shacab ah oo lagu laayey gobolka Galgaduud
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar Arbacada maanta ah ka dhacay degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka.
Sidda ay muujinayaan warbixinadda, weerarkaas waxaa ka dambeeyay maleyshiyo ku hubeysan dareeska ciidamadda Soomaaliya.
Dadkan lagu laayey degaanka Xersi Lugeey oo u dhaxeeya Guriceel iyo Balanbale ayaa lagu waramay in uu ku jiro macalin dugsi Qur'aan.
Magacyadda dadka la dilay ayaa lagu kala sheegay;
Gaarane Cawil Samatar
Cabdi Xersi Garab Kaahiye
Cabdi Yare Maxamed Aw-Faarax
Cadaawe Xersi Lugeey
Cali Dheere Xersi Cawaale
Ma cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday shaqsiyaadkan, balse wararku waxay xusayaan in ay salka ku hayso aanooyin qabiil.
"Dadka la khaarijiyey waxay kasoo jeedaan Guriceel, maleyshiyadda dilka ka dambeysayna waxay u dhasheen Balanbale," ayay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.
Mas'uuliyiin ay Xildhibaano ku jiraan ayaa cambaareeyay falkaas, waxayna cod dheer kusoo jeediyeen in degdeg loosoo qabto shaqsiyaadkii ka dambeeyay toogasho wadareedkaas.
GAROWE ONLINE