Dadka ku eedeysan kiiska Ikraan "waa in safarka laga mamnuucaa"

Image
Agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa kamid ah shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cid kasta oo lagu tuhmayo in ay ku leedahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax waxaa haboon in laga mamnuuco in ay dalka ka baxdo, sida uu soo jeediyey taliye ku xigeenkii hore ee hay’ada sirdoonka qaranka.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo hay’adda laga saarey ka gedaal markii uu dacwad ka gudbiyey hogaanka lana xiriiriyey Al-Shabaab ayaa daaha ka rogay in muhiim ay tahay in kiiskan uu noqdo mid kusoo gabagaboobo si cadaalad ah.

"Waa arin fiican in laga mamnuuco safarka dadka Ku eedaysan dilka Ikran inta Baarista laga gungaarayo!," ayuu Cabdalla Cabdalla ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareega Facebook-ga.

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha mukhaabaraadka gobolka Banaadir, Yaasiin Farey, iyo Kulane-Jiis, madaxa siyaasada iyo amniga NISA, ayaa kamid ah dadka loo haysto kiiska Ikraan.

Sidoo kale, waxaa jira magacyo kale oo lagu daray dacwadda loo gudbiyey maxkamada ciidamadda waxaana kamid ah shaqsi magaciisa lagu soo gaabiyey Wadna-qabad.

Ikraan oo NISA ka ahayd madaxa amniga internet-ka ayaa la waayey laba bilood kahor. Markii cid ugu war-dambeysay waxay kasii baxeysay guri ay ka daganeyd nawaaxiga xarunta hay’adda oo ah goob amnigeedda aad loo adkeeyo.

Qoyskeeda, mucaaradka iyo wakiiladda Beesha Caalamka ayaa dalbadey in kiiskeeda si daahfuran loosoo afmeero isla markaana uusan saameyn doorashooyinka maadaama hogaanka waddanka uu ku kala qeybsamay maareyntiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM