Dagaal Askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - In ka badan 10 ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka badan dhaawac ayaa kasoo gaarey ka gedaal markii dagaal culus uu ka dhacay degaanka Goof-gadud Burey, oo 30-dKM dhinaca Galbeed uga beegan magaalada Baydhabo.

Iska hor-imaadka ayaa yimid markii ay dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen Xero ay halkaasi ku leeyihiin cutubyo ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Gudoomiyaha tuulada Goof-gadud Burey, Xasan Mayow Isaaq ayaa xaqiijiyay in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay saacado la wareegtay gacan ku haynta degaanka, balse, ay dib uga riiceen ciidamada xooga dalka.

Mayow ayaa shaaciyay in weerarka lagu dilay 7 kamid ah ciidamada dowladda, isaga oo intaas ku daray inuu jiro dhaawac, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu bidhaamiyo tiradda ay Shabaab ka khaarijiyeen.

“Khasaaro labada dhinac ayaa jiro..Dhinaceena waa 7 dhimasho ah, iyo dhaawac…Balse, dhankooda ma hubno, laakiin jug culus ayaan ugeysanay,” ayuu yiri Gudoomiyaha uu uwaramay idaacadaha Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ay kooxda Al-Shabaab kasoo saaratay dhinaceeda howlgalkaan ay maanta fulisay.

Saldhiga la wareeray ayaa waxaa degan taliska qaybta 43aad ee guutada 60aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kaasi oo dhowaan hogaan cusub oo umagacaabay Taliyaha guud ee milatariga dalka.

Weerarkaan lagu qaaday xeradda ayaa wuxuu kusoo aadaya iyadda oo lagu waddo inay ka dhacdo halkaasi munaasabad ay xilalka ku kala wareegaan hogaanka cusub iyo kii hore, si howsha halkeeda uga sii socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM