Dagaal ay Diyaarado ka qeyb-qaateen oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image

BALCAD, Soomaaliya - Dagaal faraha looga gubtay, oo diyaarado ay ka qeyb-qaateen ayaa maanta waxa uu Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka, oo garab ka helaya AMISOM ku dhexmaray gobolka Shabeellaha dhex.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaano lagu magacaabo Alifow iyo Gaal-gube oo ku yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad kadib markii Al Shabaab jidka u gashay Kolonyo ay wateen ciidamada.

Ciidamada la weeraray ayaa waxay isagu jireen Soomaaliya iyo Ajnabi lagu sheegay in ay Mareykanka yihiin, kuwaasi oo la kulmay weerar kedis ah xilli ay kasoo baxeen Tuulada Basra kuna sii jeedeen Balcad.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay in mintidiinta ay gaadiid dagaal ay ku gubeen weerarka, islamarkaana ay khasaarooyin kala duwan gaarsiisay ciidamada huwanta ah.

Saraakiisha gobolka Shabeellaha dhexe waxay sheegeen in weerarka la iska-caabiyay, oo aan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee wehlinayay.

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay duqeeyeen Al Shabaab inta uu socday dagaalka, kwuaasi oo usoo gurmaday ciidamada wadada lagu helay, oo markii dambe dalbaday gurmad ciidan.

Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa maanta dib ula wareegtay deegaanka Basra oo Todobaadkii tagey gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, kadib howlgal ay fuliyeen, balse maanta dib uga gurtay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM