Dagaal Beeleedka Hiiraan oo la joojiyay iyo Meydad la helay

Image

BANYALEY, Somalia – Ciidamada Ahlu Sunna oo kaashanaya kuwa dowlada Federaalka ayaa ku guuleystay inay joojiyaan Dagaal Beeleedka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanka Baanyaaley, ee gobolka Hiiraan. 

Madaxa Warafaafinta Ahlu Sunna Muxudiin Cali Jimcaale “Jakuula”, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in lakala qaadey Maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaanka, islamarkaana ay ku howlan yihiin soo afjarida dagaalka.

Wuxuu sheegay Jakuula in Ciidamada Ahlu Sunna kala durkiyeen Labada Malleeshiya Beeleed illaa 10KM, sidoo kalena ka shaqeynayaan soo celinta shacabkii ka barakacay guryahooda.

Waxaa hada gaarey Tuulada Baanyaaley Odayaal iyo Siyaasiyiin labada dhinac kasoo jeeda, kuwaasi oo u xusul duubaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafka keenay gacan ka hadalka.

Dhanka kale, waxaa saaka lagu arkey Goobihii lagu dagaalay ee Baanyaaley Meydadka Lix ruux oo Malleeshiyaadka katirsanaa, kuwaasi oo ku dhintey colaadda sokeeye, ee halkaasi ka dhacday.

Meydadka oo la aqoonsaday ayaa lagu wareejiayay Eheladooda, si ay u aastaan.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo Barakac xooggan ayaa waxa uu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay ku muransan yihiin lahaanshihiisa labada beeleed, ee ku dhawan Baanyaaley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM