​Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Tiyeeglow, gobolka Bakool

Image

TIYEEGLOW, Somalia- Dagaal culus, oo u dhexaayay ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Sabti ahayd ka dhacay Degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool.

Mas'uul katirsan maamulka degmadaasi, ayaa u GO u xaqiijiyay iska hor imaadkaa labada dhinac iyagoo sheegay in uu ka danbeeyay markii weerar Al shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka dowladdu halkaasi kulahaayeen.

Al Shabaab ayaa guul ka sheegatay Weerarka, sida lagu baahiyaya Idaacadda afka Xarakadaas ku hadasha oo soo xiganaysay Horjooge aan magaciisa iyo darajadiisa la sheegin.

Waxay sheegatay sidoo kale dilka  ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro Sarkaal, inkastoo warkaasi aan si madaxbanaan loo xaqiijin.

Qaar kamid ah dadka deegaanka, oo la hadlay Warsidaha GO, ayaa xaqiijiyay dagaal culus oo labdaa dhinac maanta dhexmaray, kaasi oo geestay khasoorooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Majirto ilaa hadda war rasmi ah oo dhinaca dowladda Somalia kasoo baxay.

Degmada Tiyeeglow, ayaa waxay kamid tahay shanta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Bakool, ee koonfur galbeed Somalia, kuwaasi oo laga xureeyay Kooxda Al shabaab sanadkii 2014 bartamahiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM