Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledweyne [Dhageyso]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaal qaraar ayaa saaka ka dhacay Maroodille ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Xoogaga Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowladda leeyihiin.

Dagaalkan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha iyo cida heshay libinta iska-hor-imaadka dhacay.

Maxamed Cali Maxamuud oo ah ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gudoomiyaha Beledweyne ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay dagaalka, oo uu sheegay in ciidamada iska-caabiyeen weerarka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah dhankooda kasoo gaarey dagaalka, balse ay Al Shabaab ka dileen hal dagaalyahan mid kalena ay ka dhaawaceen. 

Al Shabaab ayaa dhankeeda war ay soo saartey ku sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka kadib weerarka, kaasi oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac iyo dadka deegaanka uu soo gaarey.

Deegaanka Maroodille, oo qiyaastii 22KM dhanka galbeed uga beegan Beledweyne ayaa xaaladiisu kacsan tahay saaka, waxayna dadka deegaanka soo sheegayaan inay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM