Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal xooggan oo ka dhashay khasaaro lixaad leh ayaa waxa uu ka dhacay maanta duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolkla Jubbada hoose.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ka qarxay shalay gelinkii dambe deegaanka Baar-Sanguuni, oo qiyaastii 50KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in Lix Askari looga dilay dagaalka, iyguna ay Al shabaab ka dileen 9 xubnood, oo qaar kamid ah ay Saraakiil ahaayeen.

Dagaalka ayaa yimid markii Ciidamada Jubbaland weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan Baar-Sanguuni, iyagoo taageero ka helayo Militariga Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Al Shabaab waxay sheegtay inay iska caabisay duulaanka lagu soo qaadey, islamarkaana ay dishay in ka badan 10 Askari oo katirsanaa maamulka Jubbaland, sida ku xusan war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxdan.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xilli maalintii shalay uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay wehliyanayeen Wasiiro iyo Saraakiil ciidan uu booqday Ciidamo loo diyaariyay duulaan ka dhan ah Al shabaab oo ku sugan Buulo-Gaduud, oo 30KM dhanka Waqooyi uga beegan Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa shisheeye ee taageera ayaa in mudo ah kula dagaalamayay Al Shabaab deegaanada ku dhaw Kismaayo, iyagoo ku fashilmay inay Kooxdan ka sifeeyaan guud ahaan gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM