Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay isku dhaceen xoogaga Al-Shabaab xilli ay howlgal ka fulinayeen duleedka degmada Balcad, oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tibaaxay in howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, qaarkoodna ay nolasha ku qabtaan, intaasoo ay wehliso inay Saanad ciidan kaga furteen.

Col. Xuseen Cali oo ka tirsan taliska ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in ku dhawaad Tobban dagaale oo Al-Shabaab ay ku qabteen dagaalka, tiro intaas ka badana ay ku dileen.

Ma uusan soo hadal-qaadin hadii xubnaha ay dileen ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wuxuu ku nuux-nuux saday inay gacanta ku dhigeen Hub fara badan iyo agab ciidan oo ay Al-Shabaab dagaalka uga furteen.

"Howlgal aan ka fulinay duleedka Balcad, waxaan ku dilnay oo aan ku qabanay xubno Al-Shabaab ka tirsan. Sidoo kale, ciidamada xooga waxay ku furteen, saanad ciidan," ayuu Col. Xuseen Cali ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu bixiyay.

Kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab dhankooda wali jawaab rasmi ah kama aysan soo bixin warka kasoo yeeray Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta dalka.

Saacadihii lasoo dhaafay degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa ka dhacay howlgalo kala duwan oo ay sameynayaan ciidamada DF, kaasoo ku beegsanayaan xeryaha Al-Shabaab ku leedahay tuulooyinka hoos-yimaada magaalooyinka waa wayn.

Degaanka Basra oo ku yaala xuduudka goboladda Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ayay ahayd markii shalay oo Talaaddo ahayd Saldhig Shabaab halkaas ku leedahay weerar cirka iyo dhulka ah lagu qaaday, kaasoo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Tuuladan oo ah dhul beeralay ah, ayaa waxay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay inay kasoo abaabusho weerarada ay ka fuliso wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, oo Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan HirShabeelle ay ku dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM