Dagaal dib uga qarxay gobolka Shabeellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

MARKA, Soomaaliya - Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka qarxay markale tuulooyin hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo udhaxeeyay ciidanka xoogga iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Barre ayaa shaaciyay in dagaalka ay ku qabsadeen tuulooyin muhiim ah oo uu ku jirto degaanka Jilib Marka, halkaasi oo ay Al-Shabaab ku lahayd Saldhigyo.

Barre ayaa tilmaamay in Jilib Marka ay Al-Shabaab ku abaabulaysa weerar ka dhanka ah ciidanka dowladda, islamarkaana markii ay heleen xogtaasi ay ku dhaqaaqeen sidii ay ufashilin lahaayeen.

“Khasaaro badan waa uu jiraa balse dib ayaan kasoo sheegi doonaa…Balse, tuulooyin duleedka uga yaala Jilib Marka oo ay dagaal ku abaabulayeen ayaan ka qabsanay, waana fashilnay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhanka kale, saraakiisha ciidanka xooga dalka ee duulaanka qaybta ka ahayd ayaa laga soo xigtay inay ku dileen howlgalka xubno ajaaniib ah oo ka barbar-dagaalameysa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

“22 kamid ah argagaxisada oo ay ku jiraan saraakiil iyo xubno ajaaniib ah ayaan ku dilnay howlgalka,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha, oo aanan soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashadooda.

Balse, waxay intaas ku dareen in rag ajaniib ah ay ukala dhasheen dalalka Kuwait, Lubnaan iyo Suudaan – Kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin; Cabdalla Abu Seif Maxamed, Alshamari Abuu Xamsa iyo Abuu Faacid Sheikh Jaabir.

Ma jiro war jawaab u ah sheegashada taliska ciidanka milatariga Soomaaliya oo kasoo yeeray kooxda dagaalka kala soo horjeeda dowladda uu caalamku taageero ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobolkada caanka ku ah was soo saarka dalaga beeraha ee Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaalo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada xooga dalka, kaasi oo aanan cidna lagu kala adkaanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM