Dagaal iyo duqeyn xoogan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xalay howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in gulufka oo isugu jiray duqeyn iyo weerar toos ah ay ka dhaceen degaanada Mubaarak iyo Daaru Salaam oo 7 KM galbeed kaga aadan degmada Awdheegle.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo ka fal-celisay duulaankaasi ayaa tilmaamtay in ay iska caabisay, isla markaana ay dagaal iyo qaraxyo kala hortegtay weerarkaasi.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee xukuumada federaalka ah ama taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM.

"Dhawaqa gentaalo oo qaarkood ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah ayaa la maqlay xalay saqdii dhexe...khasaaraha wali ma caddeyno karno," ayuu yiri Calinuur oo dadka degaanka ka tirsan.

Hasayeeshee, masuuliyiinta gobolkaan hoostaga maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban uga hadlay ayaa guulo ka sheegtay, wallow aysan bixin fahfaahin rasmi ah.

Shabeellaha Hoose waa mid kamid ah gobolada ay joogitaanka ugu badan ku leedahay Al-Shabaab, halkaasoo la rumeysan in laga abaabulo weerarada qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii labo qarax oo caasimada ka badan wadar ahaan ay ku dhinteen in ka badan 40, iyada oo dhaawaca uu kor u dhaafayo 100, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM