Dagaal ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Bay

Image

May 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Berdaale ee gobolk Bay.

Guddoomiyaha Berdaale Maxamed Isaaq ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dagaalku bilowdey kadib markii ciidamada maamulkaasi weerareen goobo fariisin u ahaa Al-shabaab.

Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in goobihii dagaalku ka dhacay ay xilligan si buuxda ciidamada dowladdu gacanta ugu hayaan.

Marka laga yimaado sheegashada maamulka degmada Berdaale, ma jiro wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Gobolka Bay ayaa kamid ah gobollada Al-shabaab ku xooggan yihiin, waxaana had iyo jeer ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamda Maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM