Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tobanaan ruux ayaa ku naf-waayey, tirro kalana way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleyshiyaad ku dhexmaray duleedka magaaladda Muqdisho.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, dagaalka oo socday shalay gelinkii dambe illaa saqdii dhexe ee xalay wuxuu salka ku hayey qaad laga soo dejiyey Jazeera kaasoo ay lahaayeen maleeyshiyaadka.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ciidamada la dagaalamay maleyshiyaadka ay ahaayeen booliska Haramcad.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa ku warameysa in ciidanka Haramcad laga furtey hub isla markaana cutubyo kamid ah lagu go'doomiyey qayb kamid ah aaga Jazeera wallow aysan gacan-gelin.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidan kale oo gurmad ah kana socday Haramcad oo xalay gaarey aaga Jazeera ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan askarta la go’doomiyey iyo hubkooda.

"Inta la xaqiijiyey waxaa labada dhinac ka geeriyooday tobban ruux," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay wariye madax-banaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadan. Xiriiro uu la sameeyay warisdaha GO kama jawaabin wicitaanka.

Todobaadkii hore, ku dhowaad tobban qof ayaa ku geeriyootay isku-dhac ciidamo kawada tirsan dowladda ku dhexmaray degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir kuwaasoo isku qabtay dhul ay dowlada leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM