Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Galgaduud

Image

03 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanay gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu saka halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya AMISOM iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel qooxle oo 25 Kiilo mitir dhanka waqooyi ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana jira qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War ka soo baxay ciidamada Somalia ayaa lagu sheegay inay dagaalkaasi ku dileen ilaa shan askari oo ka tirsan Al-shabaab isla markaan la wareegey deegaanka dagaalku ka dhacay iyo goobo kale oo ka tirsan degmada Ceel qooxle.

Dhanka Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalkaasi balse xaalada ayaa haatan daggan waxaana lagu soo waramayaa inay socdaan hawlgalka ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan inay ku qabsadaan goobaha gacanta weli ugu jira ururka Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM