Fahfaahino laga helayo dagaal ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal ku dhawaad hal saac socday ayaa ka dhacay Maanta duleedka magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland.

Saraakiisha amniga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ahaa, oo xubno katirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen.

Waxay sheegeen in dagaalka ay ku dileen dhowr dagaalyahan, islamarkaana ay nolosha ku qabteen tiro kale oo qeyb ka ahaa weerarka argagaxiso. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Weeraka wuxuu ka dhacay Saldhiga Ciidanka Jubbaland, ee degaanka Cabdalla-Biroole oo ku dhaw magaaladda Kismaayo, halkaasoo mudooyinkii dambe Al-Shabaab beegsi ku haysay.

Dagaalka ayaa imaanaya xili dhawaan Jubbaland shaacisay inay diyaarisay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, si ay uga saaraan Kooxda degaannada iyo degmooyinka ay ka heysato maamulka.

Degaanada dhaca duleedka Kismaayo, sida Cabdalla-Biroole, Baar-Sanguuni iyo Janaay Cabdalla waxaa ku sugan Ciidamo isagu jira DF, Jubaland iyo askar Ameerikaan ah oo ka caawinaya dhanka qorsheynta howlgallada iyo sirdoonka.

Jubbaland ayaa waxaa ka maqan gacanteeda hal gobol oo ah Jubbada Dhexe, kaasoo Al-Shabaab mudo dheer ka talinaysay, waxaana ku sugan gobolkan sida la sheegay inta badan hogaamiyeyaasha Kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM