Fahfaahino laga helayo dagaal ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dagaal ku dhawaad hal saac socday ayaa ka dhacay Maanta duleedka magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland.

Saraakiisha amniga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ahaa, oo xubno katirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen.

Waxay sheegeen in dagaalka ay ku dileen dhowr dagaalyahan, islamarkaana ay nolosha ku qabteen tiro kale oo qeyb ka ahaa weerarka argagaxiso. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Weeraka wuxuu ka dhacay Saldhiga Ciidanka Jubbaland, ee degaanka Cabdalla-Biroole oo ku dhaw magaaladda Kismaayo, halkaasoo mudooyinkii dambe Al-Shabaab beegsi ku haysay.

Dagaalka ayaa imaanaya xili dhawaan Jubbaland shaacisay inay diyaarisay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, si ay uga saaraan Kooxda degaannada iyo degmooyinka ay ka heysato maamulka.

Degaanada dhaca duleedka Kismaayo, sida Cabdalla-Biroole, Baar-Sanguuni iyo Janaay Cabdalla waxaa ku sugan Ciidamo isagu jira DF, Jubaland iyo askar Ameerikaan ah oo ka caawinaya dhanka qorsheynta howlgallada iyo sirdoonka.

Jubbaland ayaa waxaa ka maqan gacanteeda hal gobol oo ah Jubbada Dhexe, kaasoo Al-Shabaab mudo dheer ka talinaysay, waxaana ku sugan gobolkan sida la sheegay inta badan hogaamiyeyaasha Kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM