Dagaal kharaar oo ka dhacay Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Dagaal culus oo degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex-maray ciidamadda dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa ku bilowdey iska hor-imaad toos ah kadib markii xoogaga Shabaab dhowr jiho weerar kaga soo qaadeen Fariisin ciidamada xooga dalka ku leeyihiin degmada Afgooye..

Faahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey labada dhinac iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. 

Mas’uuliyiinta amaanka ee degmadda iyo kuwa gobolka oo siyaabo kala duwan uga hadlay waxay xaqiijiyeen inuu jiro khasaaro dhinacyadda soo kala gaaray, wallow ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ay bixiyaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay weerarka ay ku qaadeen.

Magaalada Afgooye oo Al-Shabaab laga saarey sanadkii 2012 ayaa waxaa ku sugan ciidamo isugu jira Boolis, Milatari iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo weeraro joogta ah ka kulma kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM