Dagaal khasaare badan geystey oo ka dhacay Shabeellada Hoose

Image

May 23, 2015 (GO)- Ugu yaraan soddon qof ayaa ku dhintey dagaal ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyha  Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa VOA u sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus uu bilowdey xalay saqdii dhexe markaasoo kooxo Al-shabaab ka tirsani soo weerareen fariisimo ciidamada dowladdu ku sugnaayeen.

Maxamed Aweys ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda isagoo xusey in dhanka Al-shabaab ay ka dileen lix iyo labaatan dagaal-yahan.

Guddoomiyaha Aw-dheegle ayaa dhanka kale sheegay in Al-shabaab ka faa'iideysatey maqnaanshaha ciidamada AMISOM oo todobaadyo kahor deegaanadaas isaga baxay.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore muddo kooban la wareegtey Aw-dheegle inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM