Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka, Axmed Tareedishe ayaa sheegay in dagaal culus oo saacado badan qaatey oo ka dhacay duleedka Buulo-Burte inay ku dileen 24 kamid ahaa Al-Shabaab.

Taliye Tareedishe ayaa xusay in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda oo ku jira howlgal amni ay la kulmeen weerar gaadmo ah, kaasoo sida uu sheegay ay iska-caabiyeen, islamarkaana ay dileen xubno badan.

Wuxuu shaaciyay inay socdaal howlgallo la isagu furayo wadooyinka isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo mudo sanado ah Al-Shabaab ay ku haysay go'doomin, iyadoo aan jirin magaalo u furan degmo kale.

Howlgallada ayaa imaanaya xili HirShabeelle doorasho kusoo dhawdahay, sidoo kalena la qorsheeyay in December ay dalka ka billaaban doonto doorashadda heer Federaalka, oo Xildhibaanada lagu dooraan doono nidaamka 4.5.

Amniga Soomaaliya ayaan la isku halleyn karin, sidaas darteed waxaa lagu heshiiyay in lagu qabto doorashadda Baarlamanka labo magaalo maamul kasta, magaalo madaxda iyo tan labaad ee ugu wayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM