Ciidamo kawada tirsan Dowladda Somaaliya oo ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Dagaal culus oo dhaxeeya Ciidamada Xasilinta iyo Askar katirsan Militariga Somaaliya, ayaa saaka waxa uu ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo geestay Khasaarooyin kala duwan, ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer ee degmada Deyniile, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus oo dhawaqiisa laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada la weeraray ay halka uu dagaalka ka dhacay u taallay Isbaaro lacago sharci daro looga qaado Gaadiidka dadweynaha.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, qaar kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasi oo rasaasta wiiftada ay ugu tagtey guryahooda, xilli ay huradeen saaka salaaddii subax, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Xasilinta oo gurmad ka helaya kuwa ay dowladda Imaaraadka tababartay, ayaa lagu soo waramayaa inay goobta mudo kula dagaalameen, kadibna ay u suurta gashay inay halkaasi ka saareen Ciidankii qaab beeleedka u abaabulnaa.

Wali dowladda Federaalka Somaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Difaaca kama aysan hadlin dagaalka saaka ciidanka qaranka ku dhexmaray degmada Deyniile, ee waqooyiga magaalada Muqdishu.

Wixii kusoo kordha warka, kala soco Wararkeena damne.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM