Dagaalameyaal Al-Shabaab oo "ku dhintay qarax ay maleegeen"
MUQDISHO, Soomaaliya - Gaari Al-Shabaab kasoo buuxisay walxo qarxa ayaa ku burburay meel u dhow deegaanka Comaad ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ismaaciil Orango, afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook wuxuu ku sheegay in gaarigu ahaa Hoomey.
"Baabuurka ayaa la sheegay in gabal dhacii caawa uu qarxay waxaana watay koox ka tirsan argagaxisada Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu xusay.
Sida laga soo xigtay Orango, gaariga waxaa saarnaa tirro dagaalameyaal Al-Shabaab ah. Hase ahaatee, ma uusan soo bandhigin caddeymo oo xoojinaya sheegashooyinkiisa iyo bartilmaameedka qaraxa.
"Lama ogga tirada cadowga gaarigaasi saarna ee ku dhintay qaraxii ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan. Balse dadka deegaanka oo warbaahinta Qaranka ay la xariirtay ayaa u xaqiijiyay in qasaare culus uu gaaray kooxaha argagaxisada," ayuu tibaaxay.
Ciidamadda Dowladda ayaa muddooyinkii dambe waxay qaar kamid ah gobolada dalka ay ka wadeen howlgalo ay ugu diyaar-garoobayaan sugida ammaanka doorashooyina dalka kusoo fool leh.
Orango ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka wada deegaanka u dhaxeeya Baledweyne iyo Matabaan gobolka Hiiraan waxaana ciidanka xoogga dalka ay qasaare culus gaarsiiyeen kooxaha argagaxisada ee Al Shabaab".
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida oo gobolka Hiiraan si weyn uga xoogan.
Qaraxyadda gaariga ayaa kamid ah xeeladaha dagaal ee Al-Shabaab ay u wareegtay kadib markii ay gacanteeda ka baxeen magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaana ay ku beegsataa xarumaha dowladda.
GAROWE ONLINE