Dagaallada Yemen oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Puntland

Image

June 23, 2015 (GO)- Dagaallada muddada lixda bilood ka badan ka soconaya dalka Yemen ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha iyo ganacsiga qaybo kamid ah Soomaaliya.

Qiimeyaasha badeecadaha qaar ayaa kordhay, sidoo kale waxaa jira badeecado badan oo gabaabsi noqdey. Shidaalka iyo maciishadda daruuriga ah ayaa ugu muhiimsan kuwa is-bedelku ku dhacay.

Inkastoo lagu jiro xilligii bad-xiranka, waxaan haddana si weyn todobaadyadii ugu dambeeyey hoos ugu dhacay badeecooyinkii kasoo degi jirey dekedaha Bosaso iyo Berbera oo halbowle u ah dhaqaalaha Puntland iyo Somaliland.

Maxaa keenay qiime kororka?

Ganacsatadii Soomaalida ee wax kasoo dhoofin jirey dalka Imaaraadka Carabta ayaa u wareegey Yemen, halkaasoo ay ka heleen fursado badan una arkeen suuq muhiim ah oo mudan in laga faa'iideysto. 

Sababaha kallifay in ganacsatadu Yemen diiradda saaraan waxaa ugu muhiimsan:

  • Qiimaha iibka ee Yemen oo laban laab ka badan Soomaaliya.
  • Cashuurta oo yar maadama wadanka Yemen dowlad la'aan yahay.
  • Masaafada oo gaaban iyo kharashka ku baxaya rarista badeecadaha oo yar.

Ganacsato ku sugan magaalooyinka Sanca, Cadan iyo Mukallah ayaa Garowe Online u sheegay in qiimaha fuustada shidaalka ahi Yemen ka marayo $400 halka kiishka raashinka ahi sii caga cageynayo ku dhowaad $70.

Shidaal kontorabaan ah oo Yemen loo raro:

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa soo shaac baxay suuq madow oo lagu iibiyo shidaalka, kaasoo ay si weyn uga faa'iideysteen tobannaan qof oo isugu jira: ganacsato, kuwa dadka tahriibiya iyo weliba mas'uuliyiin dowladda ka tirsan. 

Qiimaha lagu iibsado shidaalka ee Yemen ayaa laban laab ka badan midka uu Bosaso ka joogo.

Shidaalka oo lagu shushubay caagagga (jirigaammada) 20 liter qaadka ah, ayaa xilliga habeenka si dhuumaaleysi ah loogu raraa doomaha kalluunka iyo welba laashashka yaryar ee dheereeya.

Inkastoo dhowaan ciidamada booliska ee magaalada Bosaso gacanta kusoo dhigeen dhowr doomood oo ah kuwa shidaalka lagu tahriibiyo, waxaa hadana jira doomo kale oo shidaalka si qarsoodi ah uga daad gureeya xeebaha ku hareeraysan degmooyinka Bosaso iyo Laas-qoray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM