Dagaallo ka dhacay gobollada Baay iyo Galgaduud [Dhagayso]

Image

BAYDHABO, Somalia- Dagaallo khasaaro geestay, ayaa saacadihii lasoo dhaafey ka dhacayay deegaano ku yaalla gobolka Baay iyo Galgaduud, ee Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-Barako, oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Baydhabo iyo Qansaxdheere, kadib markii Kooxda Al Shabaab jidka uu gashay Kolonyo ay la socdeen ciidanka KG.

Wasiirka Hubka-dhigista iyo dhaqan-celinta Malleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed, ayaa xaiijiyay in labo Askari ay uga dhimatay weerarka, dhowr kalena ay uga dhaawacmeen.

Wuxuu xusay Wasiirka in Al shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidan Boolis ah oo galbinayay baabuur Raashiin Gargaar ah u wadey Qoysaska ay abaarta saameysay ee ku nool Buulo-Barako.

Warar madaxa-banaan oo Warsidaha GO uu ka helayo goobahaas ayaa sheegaya in 4 askari lagu dilay dagaalka u dhaxeeyay Al shabaab iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa weerar jid-gal ah ku qaadey kolonyo ciidanka Ethoipia ay la socdeen oo kasoo baxay degmada Dhuusamareeb, kuna sii jeeday magaalada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM