​Dalab ka yimid Murashaxiinta oo loo badalay goobtii doorashada lagu qaban lahaa

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa aqbalay dalab kayimid 18 murashax oo kamid ah ragga u taagan xilka Madaxweynaha dalka.

Murashaxiinta ayaa codsaday in la badalo goobta doorashada oo markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo xarunta Booliiska Somaliyeed ee magaalada Muqdishu.

Waxay walaac ka muujiyeen arrimaha Amniga iyo musuq imaan kara hadii lagu qabto xarunta Booliiska, maadama taliyaha ciidamadaas uu goob fagaaro ah ku taageeray Xasan Sheekh.

Guddoonka doorashada ayaa aqbalay rabitaanka murashaxiinta, waxayna tilmaameen in goobta doorashada laga dhiga xarunta ciidanka xoogga dalka Somalia ee (Afisiyoone).

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa warbaahinta u cadeeyay go'aankaas isagoo sheegay inay markasta tixgalinayaan dalabka kooxda codadka badan hesha dhinaca dalabka murashaxiinta.

Wuxuu xusay inay tallaabo kasta oo ay qaadayaan tahay mid ay uga fogaanayaan musuq-maasuq in lagu tuhmo sidii doorashadu u noqon lahayd mid caddaalad ku qabsoonta.

Bayle, ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay uga fogaan lahaayeen mad-madow kasta oo soo wajaha doorashada Madaxweynaha isagoo tilmaamay inay dhex-dhexaad ka yihiin howlaha socda.

Dhinaca Kale Mudane Cabdiraxmaan Bayle oo la hadlay VOA, ayaa wax laga weydiiyay is-casilaadii Xildhibaan Fartaag, wuxuuna sheegay inaysan ahayn go'aan ay ku khasbeen Guddigu, balse u timid si xubnaha doorashada wada loogu naanaysin inay u xaglinayaan shakhsi gooni ah ama koox.

Loollanka doorashada Somalia, ayaa iminka maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo ku aadan sidii murashax kasta uu u heli lahaa xilka Madaxweynaha dalka Afarta sano ee soo socota.

3 Bari oo qura ayaa ka haray waqtigii la qaban lahaa doorashada oo dhowr jeer habsaantay taasoo bishii hore la go'aamiyay 08 February, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM