Dalab la xiriira doorashada Soomaaliya oo la gudbiyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaliya ee doorashooyinka 2020-21 ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen wadahadalo ay goobjoog ka tahay Beesha Caalamka.
Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, musharaxiinta ayaa si lamid ah waxay codsanayaa in wadaxaajoodyadaas ay ka qeybgalayaan madaxda federaalka iyo maamulada ay kasoo muuqato bulshada rayidka.
Wadahadaladan ayay ka dhawaajiyeen in looga arrin-sanayo khilaafka daba-dheeraaday ee ka taagan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.
Dalabkan ayaa kusoo aadaya xilli ay fashilmeen dedaaladii ugu dambeeyay ee xalka loogu goobyay is-mari-waaga coddeynta – si gaar ah qodobada ciidanka gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada muransan yahay ee doorashooyinka ee xubnaheeda la naqdiyey.
Dhanka kale, bayaanka musharaxiinta ayaa lagu cambaareeyay go’aanka ay xukuumadda waqtiga kasii dhacayo ku iclaamisay in ay qabaneyso doorashooyin hal dhinac ah "taas oo xireysa albaabada wadahadalka".
"Waxaan kaloo u aragnaa go’aanka lagu qabanayo doorasho ay ka maqan yihiin dowlad goboledyadda Puntland iyo Jubaland mid lagu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka," ayay ku sheegeen war saxaafadeedka.
Ciidamadda dowladda ku daabuleyso xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayay sheegen "in ay u arkaan mid la doonayo in lagu boobo doorashooyinka".
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkan waxay magaaladda Beledwayne geysay ciidamo ka tirsan bileyska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaas oo horey ugu lug-yeeshay falal lagu shubtay doorashooyin.
GAROWE ONLINE