Dalal laga codsadey in ay dib u furaan safaaradahooda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa wadamada xubinta ka ah ururka IORA waxay ka codsatay in ay dib u furaan safaaradahooda Muqdisho.

Dalabkan ayaa waxaa Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda xukuumada federaalka wuxuu ka sheegay kulankii saddexaad oo ay yeeshan xubnaha ururkan.

Cabduqaadir Axmed Kheyre ayaa waxa uu khudbad ka jeediyey isu imaatinka oo ka dhacay magaaladda Dhaka ee dalka Bangladesh, asbuucii hore.

Shirkaasi oo maalmo socdey ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa fursadaha ka jira Badda Cas ah loona joogteyn dhaqaalaha laga helo.

Ururkan oo ah mid quseeya arrimaha Badda Cas ayaa waxaa la aas-aasey bishii Maaj ee sanadkii 1995-tii; waxaase si rasmi ah loogu dhawaaqay 1997-dii.

Sida ku xusan Axdiga ay saxiixeen xubnaha ururkan, waxa uu jeedkiisu yahay sidii wadamada gobolka ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha dhaqaalaha.

Wadamada xubinta ka ah ayaa waxay kala yihiin;

Australia, Bangladesh, Comoros, India, Indonesia, Iran, Kenya, Madagascar, Malaysia, Mauritius, Mozambique, Oman, Seychelles, Singapore, Somalia, South Africa, Sri Lanka, Tanzania, Thailand, Imaaraadka iyo Yemen.

Wadamadan qaarkood ayaa waxaa shaqeeya howlgaladooda diblumaasiyaded ee dalka, halka qaarkood aysan dib boorka uga jafin tan iyo dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, waana kuwaasi kuwa ay fariinta ku socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM