Baarlamaanka Carabta oo xiisada badda la saftay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah ayaa shaacisay in Baarlamaanka Carabta uu xig-sadey dhinaca Soomaaliya xiisadda badda ee kala dhaxeysa Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Xiriirka Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Hidise Sharciyeed Baarlamaanka Jamaacadda Carabta la horgeeyay lagu cambaareeyay "sheegashooyinka beenta ah ee Kenya".

Xeerkaasi oo aysan wasaaradu kala caddeyn cidka gudbisay ayaa "taageeraya in dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyadeeda, milgaheeda, beri, bad iyo cir".

Sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa "hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa'diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga," sida laga soo xigtay bayaanka.

"[Hindisaha] waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo biyo goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go'ayn biyaha carbeed oo lama taabtaan ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in baarlamaanka Jamaacadda Carabta uu ku tartarsiiyey wadamada Carbeed in ay ku garab istaagan Soomaaliya "tallaabooyin wanaagsan ee ay u qaaday dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor'imaanaya xuquuqul insaanka".

Qoraalkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa imaanaya xili Kenya ay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeyso u gudbisay dalab ah in ay soo farogeliyaan khilaafka labada dal ee sii xumaanaya.

Go’aankaasi ay qaadatay xukuumadda Nairobi ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay horey ugu guuldareystay falal ay cadaadis ku saareyso Muqdisho oo isugu jira dhanka socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyada.

Dadka naqdiya siyaasadda Villa Soomaaliya ayaa ku dhaleeceynaya in ay dowladdu falalka Kenya uga fal-celineyso qaab jilicsan waxayna sabab uga dhigeen "xulufo yari dhanka caalamka".

Arrimahaan waxay kusoo aadayaa iyadda oo go’aanka Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ku aadan muran xuduud badeedka lagu wado in uu soo baxo bilooyinka nagu soo food-leh.

NUQUL KAMID AH HIDISAHA

GAROWE ONLNE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM